Dowladda oo Iclaamiyay banaanbax ka dhan ah Alshabaab

HomeWararka

Dowladda oo Iclaamiyay banaanbax ka dhan ah Alshabaab

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta iclaamiyay in la qorsheeyay dibadbax balaaan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho maalinta Khamiisa ah ee soo socota

Guddoonka Barlamaanka Galmudug oo ka horyimid Shirka Garoowe (Daawo)
Puntland oo DFS ku eedeysay musuq maasuqa hab qeybsiga Xajka (Akhriso)
Madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne KX Carrabey oo xilalkii laga qaaday iyo xaaladda Galmudug oo cirka isku shareertay (dhegayso)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta iclaamiyay in la qorsheeyay dibadbax balaaan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho maalinta Khamiisa ah ee soo socota isla markaana ay ka soo qeybgalaan dadka ku nool gobolka Banaadir.

Banaabaxaan uu iclaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah mid looga soo horjeeedo Alshabaab kadib markii ay kordheen qaraxyaa iyo weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho isla markaana ay waxyeelo ka soo gaato ad shacab ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Alshabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka degmada Muqdisho isla markaana banaanbaxaan uu noqon doono mid midaynaya shacabka oo u nugul qaraxyada ay sheegtaan Alshabaab.

Banaanbaxaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Alshabaab ay xalay shegatay masuuliyadda qaraxii dadka badani ku dhinteen eek a dhacay Isgooyska EX-koontarool Afgooye ee halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawa uu ka soo gaaray dad badan oo shacab ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: