Duqaymo lagu qaaday fariisimo Alshabaab leeyihiin

HomeWararka

Duqaymo lagu qaaday fariisimo Alshabaab leeyihiin

Faah faahin ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeyn u geystay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay xarumo ku lahaayeen Al-Shabaab, iya

Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay amaanka iyo dekedda cusub Bosaso(dhegayso)
loolanka dowladda iyo Ahlusunna ee dhismaha Galmudug (Warbixin)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

Faah faahin ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeyn u geystay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay xarumo ku lahaayeen Al-Shabaab, iyadoo duqeyntan ay aheyd habeenkii labaad oo la beegsado goobaha Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolada Koofureed.

Sida wararku sheegayaan duqeyntan ayaa xalay ka dhacday deegaanada Oroton, Masara Jibista iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 27aad ayaa sheegay in duqeyntii xalay khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

24-kii saac ee la soo dhaafay diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo Mareykanka uu war ka soo saaray duqeyntii habeen hore oo laga fuliyay afar goobood.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntii ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka fuliyay Koofurta Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: