Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay amaanka iyo dekedda cusub Bosaso(dhegayso)

Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay amaanka iyo dekedda cusub Bosaso(dhegayso)

Wasiirka Amniga Puntland  Axmed Cabdilaahi Yuusuf Dowlad  iyo sidoo kale wasiirka wasaarada dekedaha iyo gaadidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo maanta Shir jaraaid kuqabtay xarunta wasaarada amniga ayaa waxa ay kahadleen  amniga magaalada Bosaaso iyo falalkii kadhacay , khilaafka soo kala dhaxgay gudiga amniga gobolka Bari iyo xaalada doonida ku soo caariday Xeebta Bosaso gurmadka loosameeyay .

Guddiga oo wax laga waydiiyay arimaha khilaafka guddiga nabad galyada gobolka Bari iyo taliyaha Qaybta booliska ee gobolka Bari, kadib markii xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in shaqo joojin ku Sameeyeen taliyaha qaybta ayaa ka gaabsaday ka hadalka arrinkan, inkastoo wali wax natiijo ah kasoo Bixin kulamo taliyaha ciidamada booliska, wasiirka amniga iyo maamulka gobolka Bari ay ku yeesheen Bosaso oo xaaladdan looga hadlayo.

Ugu horeen waxaa goobta kahadlay wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage , waxaana hadalka uga dambeeyay Wasiirka Amniga Puntland  Axmed Cabdilaahi Yuusuf Dowlad.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com