Prof. Cabdisalaan Ciise Salwe oo ka hadlay khilaafka Somaliya iyo Kenya iyo Khayraadka badda (dhegayso)

Dhawaan dawladda Kenya waxay mugdi gelisay xiriir lawadaagiddeeda Soomaaliya kadib markii Kenya u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Soomaaliya, sidoo kalana celisay safiirkii Soomaaliya ka u joogay Kenya.

Carqaladayntaasi duullamaasiyadeed ayaa ka soo fuftay kadib markii dawladda Soomaaliya ay bilawday sahamin xagga shidaalka badda ah kaasoo Kenya ay u aragtay in horarsi khayraadkeeda ah.

Soomaaliya ayaa arrinkaasi si nabaddoon uga falcelisay, kuna tilmaantay tallaabo oo aan loo baahnayn in ay ahayd go’aan gaaridda Kenya.

Prof. Cabdisalaan Ciise Salwe waa Bare wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Afrika, ahna guddoomiye kuxigeenka qaybta waxbarashada ee Jaamacadda, wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayuu uga hadlay xogta laga hayo dhulka la sahamiyey ee horraysay, iyo arrimahaasi haatan waxa soo sal-ka-kiciyey.

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com