HomeUncategorized

Duqa caasimada Garowe C/asiis Nuur Cilmi oo ka warbixiyay hawlo burburin ah oo wadooyin loogu samaynayo magaalada Garowe.

Garowe, December, 07 ? Duqa degmada Garowe mudane C/casiis Nuur Cilmi ?Koor? oo waraysi gaar ah siiyay radio Dajir ayaa ka warbixiyay hawl-galo illaa shalay ay magaalada Garowe ka fulinayeen ciidanka dawladda hoose ee degmada Garowe.

C/xakiim Axmed Guuleed, wasiirka warfaafinta Puntland oo Galkacyo ka soo degay.
Media Freedom Under Attack in Somalia
Gudoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Bari oo codsaday degmada in laga qaybgaliyo qorshaha horumarinta degmooyinka Puntland.

Garowe, December, 07 ? Duqa degmada Garowe mudane C/casiis Nuur Cilmi ?Koor? oo waraysi gaar ah siiyay radio Dajir ayaa ka warbixiyay hawl-galo illaa shalay ay magaalada Garowe ka fulinayeen ciidanka dawladda hoose ee degmada Garowe.

Md. C/casiis Nuur Cilmi waxaa uu shaaca ka qaaday hawl-galadaan inay qayb-ka yihiin barnaamijka lagu magacaabo GPLG oo horay wadooyin loogu dhisayaya magaalada Garowe, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in barnaamijkaan GPLG uu ahaa mid lawada-siiyay dhammaan degmooyinka Puntland, dagmo kastana ay ikhiyaar u lahayd wax-qabadkeeda.

Duqa degmada Garowe mudane C/casiis waxaa uu tilmaamay inaysan la kulmin wax-caqabad ah, intii ay kuguda jireen hawl-galka burburinta dhismayaasha wadooyinka lagu furayo, waxaana uu mahad-ballaaran u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Garowe.

Mar radio Daljir ay wax-ka waydiisay hawlaha lagu qurxinayo bilicda magaalada, sida ay ugu muuqan-karto soo dhawaynta shirka Road-map-ka ayuu duqu xusay inay jiraan guddiyaal kale duwan oo hawlahaasi uu madaxwaynuhu u xil-saaray, waxaana uu hadalkiiisa raaciyay in mar-kasta waa-jibaad ka saaran yahay qurxinta bilicda caasumada Puntland ee Garowe.

Diiwaank Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: