Site icon Radio Daljir

Duqa caasimada Garowe C/asiis Nuur Cilmi oo ka warbixiyay hawlo burburin ah oo wadooyin loogu samaynayo magaalada Garowe.

Garowe, December, 07 ? Duqa degmada Garowe mudane C/casiis Nuur Cilmi ?Koor? oo waraysi gaar ah siiyay radio Dajir ayaa ka warbixiyay hawl-galo illaa shalay ay magaalada Garowe ka fulinayeen ciidanka dawladda hoose ee degmada Garowe.

Md. C/casiis Nuur Cilmi waxaa uu shaaca ka qaaday hawl-galadaan inay qayb-ka yihiin barnaamijka lagu magacaabo GPLG oo horay wadooyin loogu dhisayaya magaalada Garowe, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in barnaamijkaan GPLG uu ahaa mid lawada-siiyay dhammaan degmooyinka Puntland, dagmo kastana ay ikhiyaar u lahayd wax-qabadkeeda.

Duqa degmada Garowe mudane C/casiis waxaa uu tilmaamay inaysan la kulmin wax-caqabad ah, intii ay kuguda jireen hawl-galka burburinta dhismayaasha wadooyinka lagu furayo, waxaana uu mahad-ballaaran u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Garowe.

Mar radio Daljir ay wax-ka waydiisay hawlaha lagu qurxinayo bilicda magaalada, sida ay ugu muuqan-karto soo dhawaynta shirka Road-map-ka ayuu duqu xusay inay jiraan guddiyaal kale duwan oo hawlahaasi uu madaxwaynuhu u xil-saaray, waxaana uu hadalkiiisa raaciyay in mar-kasta waa-jibaad ka saaran yahay qurxinta bilicda caasumada Puntland ee Garowe.

Diiwaank Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

Exit mobile version