“Dadka wada shirka Khaatumo 2 waxay wadaan afduub dadweyne” Maamulka gobolka Cayn.

Buuhodle, Dec 08 ? Guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuud Sh Cumar Xasan oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa siweyn u dhaliilay qaabka uu u socdo shirka Khaatumo2 kaasi oo in muddo ah qaban qaabadiisa ay wadeen qurba-joog kasoo jeeda gobollada Sool Sanaag & Cayn.

Maxamuud Sh Cumar, ayaa qaban qaabiyayaasha shirka ku tilmaamay kuwo dano gaar ah ka leh islamrkaana aan dan u wadin dadka shacabka ah taasi oo uu ku sababeeyey qaabka ay u wadaan shirka, waxaana uu tusaale u soo qaatay issimada deegaanka oo iyagu doorka ugu muhiimsan kasoo qaatay xaaladda deegaanadaasi muddadii burburka inaysan gebi ahaanba ka tala gelin shirka iyo arimihiisa isagoo sheegay in aflagaado u geysteen issimada iyo siyaasiyiinta gudaha.

Shirkan jaraa’id ee uu maanta qabtay guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn ayaa sidoo kale waxaa uu kusoo qaaday in ay muhiim tahay in ay shir qabsadaan dadka dega gobolada Sool Sanaag iyo Cayn, balse waxaa uu tilmaamay kooxaha hadda qaban qaabinaya shirka Khaatumo2 inay wadaan afduub “hadii la doonayo wuxu inay fulaan waa in dadka la la tashadaa ma la aqbali karo in guri madow oo waxa kujira aan la ogayn shacabka loo hoggaamiyo” ayuu yiri Maxamuud Sh Cumar Xasan ” waxaana uu intaasi ku daray dadkiinan is magacaabay ee issimadii yiri waxba maaha ee siyaasiyiintii dhahay waxba maaha warbal idinku is-cadeeya waxa aad tihiin”.

Mar wax laga weydiiyey qaabka uu u arko in dadka deegaanku shir miro dhala u qabsan karaa ayuu kaa ku sheegay in loo baahan yahay in dadka deegaanka wax la weydiiyo oo ay u horeeyaan issimadu sida uu hadalkiisa u dhigay ” shir ma diidani laakiin ujeedada aad wadataan ma cadda waxaan sheegayaa issimada aad duraysana ayaa anaga 22 kii sano ee burburka nala joogey wax walbana aan wadaagayney haddee nin 22 sano maqnaa oo aan wuxuu qabtay jirin maanta inuu iska soo oohiyo ma yeeli karno” ayuu hadalkiisa kudaray guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn.

Si kastaba ha ahaatee hadalka guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii danbe qaban qaabada shirka Khaatumo2 ka socotey deegaanka Taleex ee gobolka Sool, waxaana muddadii shirkaasi qaban qaabadiisu socotey soo badanaya dhaliilaha loo jeedinayo qaabka uu shirkaasi u socdo walow ay jiraan dad iyagu la dhacsan nidaamka shirku ku socdo hadana dad aad u badan ayaa qaadacsan shirkaasi.

Khadar Cawl Ismaaciil
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com