DP World oo dowladda Jabuuti u digtay

HomeWararka

DP World oo dowladda Jabuuti u digtay

Shirkadda DPworld ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta fadhigeedu yahay ayaa uga digtay dowladda Jabuuti inay heshiis la gasho shirkado kalle oo ay ku

Wasiiraka Maaliyada Puntland ” Waxaan kadigaya in laysdaba mariyo Canshuurta dowlada ” (dhegayso)
Macalimiinta Puntland oo u Baahan In Lagu Tababaro Manhajka Cusub ee Puntland (dhegayso)
Maanhadal:soo laabashada Madaxweyne Deni kadib doorashadii Xamar

Shirkadda DPworld ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta fadhigeedu yahay ayaa uga digtay dowladda Jabuuti inay heshiis la gasho shirkado kalle oo ay ku wareejiso dekedda Dooraale.

War kasoo baxay shirkadda DP World ayaa lagu sheegay inuu wali shaqaynayo heshiiskii ay la galeen dowladda Jabuuti, waxaana ay sheegeen inay dacwad ku furi doonaan dowladda Jabuuti oo la xiriirta burbur hantiyadeed oo loo gaystay wixii ka dambeeyey markii ay Jabuuti ka baxday heshiiska ay la galeen, dalka Jabuutina laga soo eryay.

Heshiiska Jabuuti iyo shirkadda DP World ayaa dhigayay inay shirkaddu maamusho dekedda Dooraale muddo lixdan sano ah, waxaana heshiiska uu burburay kadib markii ay dowladda Jabuuti ay ka carootay go’aamo ay shirkadda soo rogtay, waxaana ay ka eriday dalkeeda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: