Dowladdda Soomaaliya oo Sheegtay Xilliga ay La Soo Wareegayso Maamulka Hawada Dalka

HomeWararka

Dowladdda Soomaaliya oo Sheegtay Xilliga ay La Soo Wareegayso Maamulka Hawada Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhamaadka bisha October ay si rasmi ah ula wareegeyso maamulka hawada, iyadoo uu dhowaan la rakibay qalabkii

Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Genaral Siciid Dheere: “Waxaan 29 sano ka hor ku haminayey ayaan saaka gaarey,”
Prof. Lidwien Kapteijns oo Akhrisay, Dhaliishayna Buug uu Qoray Maxamed Ingiriis

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhamaadka bisha October ay si rasmi ah ula wareegeyso maamulka hawada, iyadoo uu dhowaan la rakibay qalabkii loogu tala galay maamulka iyo la socodka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Cabdullaahi Salaad oo ka qeyb galayay shirka Wasiirada Duulista Bariga Afrika oo ka dhacay dalka Masar ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo la taaban karo. Wasiirka oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONN ayaa sheegay in bisha October ay si rasmi ah dowladda ula wareegi doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horreysay laga maamuli doono magaalada Muqdisho, Duulista hawada marka horeba, iyadoo aan aad u dhisneyn ayaa hadana dowladdii bur burtay, marka hadda waxaan u baahannahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-dii waxaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysay hay’adda ICOA, in kastoo la filayo in waqti dhow ay dowladda Soomaaliya lasoo wareegto maamulka guud ee hawada dalka

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Cali sharif 6 years ago

    Ilaa hada hawada somalia lama soo celin maxaa caqabad oo hortaa gan arin kaas madama la dhaa tay xiligii warirka balan qaaday

DISQUS: