Madaxweynaha Puntland oo Jiddah Kula Kulmay Ammiir Suldaan Binu Nassar (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland oo Jiddah Kula Kulmay Ammiir Suldaan Binu Nassar (Sawirro)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo guddashada wajibaadka Xajka u jooga dalka Sucuudiga ayaa maagaalada Jidda ee dalkaaasi Sucuudiga kulan kula yeeshay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar ayaa waxa ay kaga wadda hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha Puntland, iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, adkaynta xidhiidhka Puntland iyo Sacuudiga iyo sidii dalka sucuudigu maalgashi caalami ah uga samayn lahaayeen  dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn uga mahad naqay soo dhoweynta Amiirka iyo guud ahaan masuuliyinta kala duwan ee uu kulamada kala duwan laqaatay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen una qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu Madaxweynuhu amiirka usoo jeediyey inay tahay muhiim in laga wadda hadlo sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeya Puntland iyo dalkaasi Sacuudiga, sidoo kalena loosii wanaajin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadda dhinac.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa ka wadda hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in maanta Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leedahay, isla markaana ay kasoo kabatay dhibaatooyin badan oo soo gaadhay muddo dheer oo haatan laga joogo in ka baddan labaatan sano, dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dhammaan dawladdaha xunaha ka ah DFS ayaa diyaar u ah kana middaysan sidii loo midayn lahaa ummaadda Soomaaliyeed, looguna horseedi lahaa nabad iyo horumar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay soo dhoweynayaan maalgashiga dalalka ay saaxibadda dhaw la tahay iyo cid kasta oo kale oo danaynaysa inay maalgashtaan Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dalka Sucuudiga iyo Puntland ay leeyihiin xidhiidh taarikhi ah oo salka kuhaya maalgashiga, ganacsiga iyo wax wadda-qabsiga.

Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisa dalkaasi Sucuudiga, waxaana uu xaqiijiyey in xidhiidha Puntland iyo dalka Sucuudi Arabia ahaa mid soo jireena oo xaqiiq ku salaysan, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in Dalka Sacuudigu danaynayo maalgashiga dhulka dihin ee taarikhda badani ku duugan tahay ee Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gudajira gudashada waajibaadka Xajka, isaga oo kamidda malaayiin Muslimiina oo sanadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com