Prof. Lidwien Kapteijns oo Akhrisay, Dhaliishayna Buug uu Qoray Maxamed Ingiriis

Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa qoray buug uu ugu magacdaray “Isdaldalaaddii Soomaaliya: Kicii iyo Dhicii Xukuumaddii Siyaad Barre, 1969-1991.” Buugga waxaa akhrisay Prof. Lidwein Kapteijns, loona yaqaan Prof. Ladan. Ladan aad bay buugga u dhaliishay, dhan kasta, siiba dhanka hab-qoraalka buugga, dhanka aqoon-la’aantiisa afka Ingiriiska, naxwe xumida qoraalka Ingiriiska, iyo kaba-sii-daran e in uu yahay buug uu Maxamed weli ka wado dagaalkii qabaliga ahaa ee Soomaalida, taas oo ay ku tilmaantay nasiibdarro qoraaga oo cilmi iyo caqli sheeganaya dusha ka fuushay.

Waa kan akhriskii iyo dhaliishii Prof. Ladan ee Buugga Maxamed Xaaji Ingiriis:

Kapteijns-Review-of-the-Suicidal-State-in-Somalia

Ladan waa Kendall Hodder barafasoor Faraca Taariikhda ee Jaamacadda Welesley oo ku taal magaalada Boston, ahna jaamacadaha safka hore ee Maraykanka. Ladan waxay horay u qortay buug ay ugu magac dartay “Xasuuqii Qabaliga ee Soomaaliya” oo ay si qotodheer uga faallootay xasuuqii ururka USC ku kacay sanadihii 1991-1992, kana dhacay Xamar, Kismaayo iyo Koonfurta Soomaaliya (Clan Cleansing in Somalia, The Ruinous Legacy of 1991). Sida ay qortay bogga Jaamacadda Pennsylvania, buuggaas “Xasuuqii Qabaliga ee Soomaaliya” wuxuu ahaa buugaagta uga caansan, ugu daliil wacnaa taariikhda dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waajibna ay ku tahay in uu akhriyo qof kasta oo raba in uu fahmo taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya.

Radio Daljir Soomaaliya

 


by

Tags:

Comments

One response to “Prof. Lidwien Kapteijns oo Akhrisay, Dhaliishayna Buug uu Qoray Maxamed Ingiriis”

  1. 0907688228 muxsin bashiir dooxajoog

    waasax in ladhaliilo qofkii waxa xun bulshada ubandhiga

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com