Dowladda uganda oo somaaliya u soo diraysa diyaarado dagaal

HomeWararka

Dowladda uganda oo somaaliya u soo diraysa diyaarado dagaal

Militariga dalka Uganda ayaa Talaadadii shaaciyey inay geyn doonaan diyaarado dagaal Soomaaliya si ay u taageeraan howlaha nabad ilaalinta ee Midowga

Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug (Sawiro)
Jabuuti oo Baasaboorkeda Siinaysa Shacabka Somaliland
Saaka & Dunida iyo Cabdifatax Cumar Geeddi (dhegayso)

Militariga dalka Uganda ayaa Talaadadii shaaciyey inay geyn doonaan diyaarado dagaal Soomaaliya si ay u taageeraan howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Afhayeenka Millateriga Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in diyaaradahaas ay taageero weyn siin doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya si ay u xoojiyaan howlaha nabad ilaalineyd ee wadaan.

“Diyaaradda Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) waxay taageero u fidin doontaa ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee dagaalka ka wada ayuu yiri” Afhayeenka militariga Richard Karemire.

Afhayeenka ma sheegin tirada Diyaaradaha Uganda ee loo soo dirayo Soomaaliya, hayeeshee waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in tallaabadaan ay xoojineyso in lagu guuleyso nabada Soomaaliya lagan adkaado Al-Shabaab.

Tan iyo Sanadkii 2007-dii Soomaaliya meelo badna oo kamid ah ayaa waxaa ku sugan Ciidamao ka socda Midowga Afrika,kuwaas oo laga kala keenay dalalka, Ugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, kuwaas oo aan weli ku guuleysan sugida Amniga guud ee Soomaaliya, iyaga oo weeraro kaal kulma Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM iyo Ciidamo kale oo ilaaliya madaxda iyo xafiisyada UN-ka ee ka howlgalla Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: