Maamulka Shabeellaha Hoose oo bilaabay Qorsho looga hortagayo fatahaadaha

Maamulka Shabeellaha Hoose oo bilaabay Qorsho looga hortagayo fatahaadaha

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga waxaa maalmihii la soo dhaafay ku fatahay Wabiga Shabeelle,waxaana fatahaadaha ay saameeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada iyo tuulooyinka hoostaga.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay inay bilaabeen dadaalo lagu xaameynayo fatahaadaha degmada Afgooye,isla markaana qorhahaas uu yahay mid bilaawday oo ay dhameystiri doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo booqday degmada Afgooye ayaa sheegay in ay dadaal xoogan ku bixiyeen sidii fatahadaha looga hortegi lahaa si uusan sameyn ugu yeelan Bushada.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixin doonaan waxka qabashada arrimahaan,waxaana uu ku baaqay in gargaar deg deg ah la soo gaarsiiyo Shacabka ka barakacay degmada Afgooye iyo degaannada hoostaga.

Tallaabadaan uu qaaday Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kusoo aadeysa xilli Madaxwyene Farmaajo uu ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka degmada Afgooye oo ay fatahaadu saameysay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com