Dowladda Soomaaliya oo laba Shirkadood kala hadashay Arrimaha Shidaalka

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo laba Shirkadood kala hadashay Arrimaha Shidaalka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane,ayaa kulan fogaan arag ah uga qeybgalay heshiis ay si wadajir ah u galeen labada sh

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Weerar ka dhacay magaalada Heeg ee dalka Holland (daawo)
Oromada Laascaanood & danaha dahsoon ee Somaliland

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane,ayaa kulan fogaan arag ah uga qeybgalay heshiis ay si wadajir ah u galeen labada shirkadood oo ah kuwa ka howlaga dhanka shiidaalka iyo xagga tiknolojiyada.

Kulanka lagu martiqaaday Danjiraha,ayaa yimid xilli ay heshiis wax wadaqabsi ah kala saxiixdeen labada shirkadood ee International Energy Exchange center (GBA) iyo Ali Cloud.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo kulankaasi ku gudbiyay farrin,waxa uu ugu baaqay labada shirkadood in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,isla markaana ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale ayaa xusay in Soomaaliya ay ku taallo meel istaraatiiji ah,ayna tahay albaabka ugu wey n ee kaliya oo laga geli karo dhammaan dalalka Afrika

Danjiraha waxa uu qiray in labada shirkadood ay heystaan fursado ay wax kula qeybsan karaan dadka Soomaaliyeed,sidaa daraadeed,waxa uu ku taliyay in ay ka faa’ideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Labada shirkadood ee International Energy Exchange center (GBA) iyo Ali Cloud,waxa ay ka shaqeeyaan dhanka soo saaridda shidaalka iyo dhinaca tiknolojiyadda aaladaha casriga ah ee Internetka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: