Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo joojiyay gebi ahaan duulimaadyaddii Caalamiga ahaa ee imaan jiray Magaalada Muqdi

Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 24aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso|daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo joojiyay gebi ahaan duulimaadyaddii Caalamiga ahaa ee imaan jiray Magaalada Muqdisho iyo kuwii ka bixi jiray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ka hadlaayay telefashinka dowladda ayaa shaaciyay in la joojiyay duulimaadyaddii Caalamiga ahaa laga bilaabo 18-ka Bishan Maarso ee 2020.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarka lagu joojiyay duulimaadyadda uu ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isla markaana uu si rasmi ah u dhaqan geli doono 18-ka Bishaan Maarso.

Daqiiqado ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ay shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo kol hore ay karantiishay dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Fowsiya ayaa sheegtay in qofka la helay Cudurka Coronavirus xaaladihiisa haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana haatan lala tacaalayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: