Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maanta furay Doodda Kulamo Gaar-Gaar ah oo Ka mid ah Shirka Wadatashiga Puntland

HomeWararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maanta furay Doodda Kulamo Gaar-Gaar ah oo Ka mid ah Shirka Wadatashiga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo

Xafiiska Difaaca Xuquuqul Aadanaha Puntland oo Tababar u qabtay Culumadda Bosaaso (Daawo)
Howlgallo dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho & duleedkeeda
Wacaal daray ah: Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda Cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa kala qeybgalay ergooyinka Shirka kulamada gaarka ah ee looga doodayo Qodobada Shirka looga hadlayo.

Dhammaan ka qeybgalayaasha shirka ayaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah:

· Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha

· Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog

· Isimada

· Ganacsatada iyo Cuqaal

· Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan.

Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka doodaya Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob usii kala baxo:

1-Puntland:

– Midnimada

– Amniga

– Horumarka

– Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta

2-Federaalka:

– Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland

– Dib u eegista dastuurka

– Doorashada 2020

– Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka

– Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: