Wasiirka Caafimaadka oo xaqiijisay qofkii u horeeyay Soomaali laga helay Coronavirus

HomeWararka

Wasiirka Caafimaadka oo xaqiijisay qofkii u horeeyay Soomaali laga helay Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar ayaa goor dhow xaqiijisay kiiskii u horreeyay ee xanuunka Coronavirus oo laga helay q

Warbixin: Cuntooyinka dalkeena iyo sida ay Soomaalidu uga qatan tahay (daawo)
Mustaqbalku waa Waxbarashada Ubadka oo la Maalgashado (Taxanaha 9aad | dhegayso)
Maraykanka oo codsaday in la baabi’yo hindise sharciyeedka muddo kordhintii 12 April

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar ayaa goor dhow xaqiijisay kiiskii u horreeyay ee xanuunka Coronavirus oo laga helay qof Soomaali ah.

Wasiirada oo la hadleysay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, maalmihii la soo dhaafay ku jiray Karantiil saaka laga helay cudurkan.

Sidoo kale Wasiiradda ayaa tilmaamtay in afar qof oo dibadda ka timid ay Karantiil ku jireen, kuwaasoo ka yimid wadamada uu sida daran u saameeyay cudurkan, isla markaana mid ka mid ah baaritaanki lagu sameeyay saakay soo baxday natiijadiisa lagana helay cudurka.

Waxaa ay ugu baaqday shacabka in la joojiyo meelaha dadka isugu yimaadaan, sidoo kale waxaa ay xustay in safarada la joojiyo si cudurka looga hortago oo aanu i faafin.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegtay in dowladda u diyaar garowday sidii looga hortagi lahaa ayna diyaariyeen isbitaalo gaar ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: