HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay xukunkii lagu riday Askarta AMISOM

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahisay xukun maalintii shalay aheyd lagu riday Askar ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo lagu helay in ay dad shacab ah ku d

Tababaraha Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Dhaliil loo jeediyaay (dhegayso)
Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo ka hadlay Amaanka Muqdisho (dhegayso)
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray degaanka Ceelmacaan

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahisay xukun maalintii shalay aheyd lagu riday Askar ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo lagu helay in ay dad shacab ah ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay xukunkii shalay lagu riday askar iyo saraakiil ka titsan amisom

Wasiir jaamac oo qeyb ka ahaa guddi dhawaan uu magacaabay ra’isul wasaare rooble una magacaabay dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ku xasuuqeen golweyn oo ka tirsan sh/hoose ayaa soo dhaweeyay xukunka kala duwan ee lagu riday saraakiisha iyo askarta amisom ka tirsan.

Waxaa uu sheegay in tilaabadaan xukunka ah ay tahay mid ugub ah islamarkaana u baahan in shacabka soomaaliyeed ay ku qancaan xukunka.

Sidoo kale wasiirka cadaaladda Soomaalia ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan halka ay ka dhacayso xukunka toogashada ah ee lagu fulinayo saraakiisha amisom, ee xasuuqa gaystay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0