Dowladda somaaliya oo sheegtay in laga cabsi qabo fatahaado iyo dabeylo

Dowladda somaaliya oo sheegtay in laga cabsi qabo fatahaado iyo dabeylo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxey digniin la xariirta cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo u direysaa dhammaan bulshooyinka ku nool hareeraha labada webig jubba iyo shabeelle. Wasaaradda waxaa sidoo kale ay digniinta u sheegeysaa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

Waxaa sidoo kale lifaaqa hoose ku jira shirka jaraa’id ee Wasiirka Gargaarka uu qabtay ee uu uga hadlay xaaladda soo korortay.

Ugu dambeyn Wasaaradda waxey ugu baaqeysaa maamullada deegaanadda ay roobabka ka da’ayaan, hey’adaha gargaarka ee ka shaqeeya meelaha ay halista ka jirto in ay u diyaar garoobaan xaaladda soo cusboonaatay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com