Dowladda somaaliya oo ka hadashay geerida AUN Drs Xaawo Cabdi

HomeWararka

Dowladda somaaliya oo ka hadashay geerida AUN Drs Xaawo Cabdi

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka tacsiyadeyneysaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi oo ku

Ganacsatada Bossaso oo Diiday Qaadashada Shilinka Soomaaliga (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Xoreynta & mideynta Wasiir Gallan ee gobolka Sanaag kabacdi Puntland maanta maxaa la gudboon?

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka tacsiyadeyneysaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Drs Xaawo Cabdi ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab kaga jirtay taariikhda Soomaaliya, waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii Samafal iyo Caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed xiliyo adag.

Drs. Xaawo Cabdi waxay Xarun Caafimaad oo Hooyada iyo Dhalaanka ah ka hergalisay duleedkaMagaalada, taas oo si bilaash ah loogu daryeelo hooyooyinka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneysaa Qoyskii iyo Ehelada ay ka baxday Marxuumadda Waxayna Alle SW uga baryeysaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: