Dowladda Somaaliya oo Casuntay Madaxda Africa

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo Casuntay Madaxda Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda i

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo degmooyinka Muqdisho kala hadlay ammaanka (sawiro)
Boosaaso oo lagu soo gabagabeyeey shir u dhaxeyeey Laamaha amaanka iyo Warbaahinta Puntland (Daawo)
Soomaaliya oo xubin ka noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka QM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: