Dowladda Puntland oo marti gelinysa shir wayne dib u heshiisiin qaran

HomeWararka

Dowladda Puntland oo marti gelinysa shir wayne dib u heshiisiin qaran

Madaxwaynaha dowladda Puntalnd Siciid Cabdulaahi Deni ayaa aqablay soo jeedin katimid madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya oo kusaabsan inay Pu

Dowladda Somaaliya iyo Hay’adda USAID oo Heshiis Kala Saxiixan doona (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntalnd Siciid Cabdulaahi Deni ayaa aqablay soo jeedin katimid madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya oo kusaabsan inay Puntland marti geliso shirwayne qaran oo dib u heshiisiin, kaasi oo loogu gogol xaarayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay kadib kulan usoo dhamaaday madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa uu sheegay Puntland inay qaadan doonto kaalinteeda marti gelinta, ayna aad usoo dhowaynayaan, waxaana shirkan uu dhacayaa bartamaha bisha sadexaad ee March.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in danta guud laga wada shaqeeyo ee dalka, lagana gudbo danaha gaarka ah.

Caleema saarkii madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa kulmiyay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo hadad uu kujiray xiriirkooda dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: