Dowladda oo Maanta Muqdisho ku qabaneysay bannaanbax

HomeWararka

Dowladda oo Maanta Muqdisho ku qabaneysay bannaanbax

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabto bannaabax ay dowladda Soomaaliya ugu magac dartay kac

Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Lagu Dhaariyey Wasiiru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday shaqsiyaad dil loo heysto

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabto bannaabax ay dowladda Soomaaliya ugu magac dartay kacdoon Shacab.

Bannaanbaxa oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka qeyb galaya inta badan Shaqaalaha dowladda, waxaana uu yahay mid looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab oo hadda dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya bannaabaxa, iyaga oo halkaasi ka jeedin doono khudbado ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhanka ah ah Al-Shabaab.

Inta badan waddooyinka gala Garoonka Kubadda Cagta Koonis ayaa xiran, waxaana loo diidayaa inay isticmaalaan Gaadiidka noocyadooda kala duwan, balse dadka ay lugeeynayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: