Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday shaqsiyaad dil loo heysto

Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday shaqsiyaad dil loo heysto

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeesay dhageysiga dacwad ka dhan ah kow iyo toban eedeysane oo loo hestay dagaal safeyn ah iyo weerar sababay dhimashada marxuum liibaan Cabdiqaadir Cali.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay sagaal ka mid ah 11 ka eedeysane min hal sanno iyo bar xarig ah iyo diyada marxuumka ay dileen maadaama Maxkamadda ay ku heshay falkaasi, labada ruux ee soo hartay ayey maxkamada u celisay xuriyadooda maadaama lagu waayay dambiga, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Dacwadaan uu kusoo gudbiyay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa ay maxkamaddda gobolka Banaadir ka yeelatay ilaa afar fadhi, ugu dambeyn maanta ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com