Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Lagu Dhaariyey Wasiiru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen

Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Lagu Dhaariyey Wasiiru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen

qasirga Madaxtooyada Garoowe Waxaa lagu dhaariyey Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdiraxmaan Jamac Guulleed (Kulmiye) iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Dhiska iyo horumarinta Puntland Abshir Cabdullaahi Maxamed.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kubooriyey labadani masuul oo kamid ahaa Golihii Wasiirada dhowaan uu Madaxweynuhu Magcaabay inay si daacad ah, masuuliyadu ku jirto, xilkasnimole ay ugu adeegaan shacabka ay xilalkani uqabteen, isla markaana ay ka dhawr-soonaadaan wax walba oo shaqadooda hakad gelinaya, kana hor joogsanaya dardargelinta hawlohooda xafiis.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey labadani masuul ee maanta loo dhaariyey xilalka Wasiirru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen in Puntland geedi ugu jirto sidii ay u garabsan lahayd waddamada horumaray ee maanta adduunka hormuudka u ah, isagoona Madaxweynuhu xusay in dalka uu ka socdo horumar lixaadle iyo mid amniba oo lagu taaba-gelinayo dhismaha dawladdnimo, fadaraaliisan, nabad-gelyo iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Puntlandba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay masuuliyiintani inay si daacad ah ugu adeegaan dadkooda iyo dalkoobada, kana soo baxaan shaqada loo dhaariyey ee ah inay u adeegaan shacabkood, dalkooda, iyo Diintoodaba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com