Dowladda oo go’aano adag ka soo saartay duulimaayda garoonka kismaayo

HomeWararka

Dowladda oo go’aano adag ka soo saartay duulimaayda garoonka kismaayo

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo mar

Khayre oo galabta dib ugu laabtay Dhuusamareb (Sawiro)
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Cadaado (dhegayso)

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Go’aankan ayaa la xiriira hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo, iyadoo kol hore maamulka Jubbaland uu soo saaray amar uu kaga mamnuucay diyaaradaha inay ka soo degaan garoonka Kismaayo, intii lagu guda jiray doorashadii Axmed Madoobe.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha la socodka Hawada Soomaaliya ee ay maamulkeeda gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Lama oga go’aankan inuu yahay qorshe la doonayo in lagu hakiyo caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wado inuu dhowaan ka dhaco Kismaayo, ayna ka qeyb geli doonaan wafuud ka socota dowlad goboleedyada, kuwa ka socda dalalka deriska, gaar ahaan Kenya iyo madax hore inay ka qeyb galaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: