Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo Xabsiga la dhigay

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Dalka Zambia, Chishimba Kambwili ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo Maxkamadda, markii lagu eedeeyay in uu faafiyay muuqaallo lagu Aflegaaddeynayo Madaxweynaha Dalkaasi Edgar Lungu.

Booliska Zambia ayaa gelinkii dambe ee Shalay Xabsiga u taxaabay , Chishimba Kambwili, markii uu baraha Bulshada ku baahiyay muuqaal Daawasho ah oo uu ku dhaleeceynayo Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay Eey Madax adag oo macangag ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee Dalka Zambia, Chishimba Kambwili, ayaa Saxaafadda u sheegay in hadaladiisa si khaldan loo fahmay, balse uu ula jeedo in uu Madaxweynuha yahay ma daale ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Dalka Zambia, Chishimba Kambwili ayaa tusaale u soo qaatay Eyda ku nool degaanka Chawama, oo ka tirsan Caasimadda Zambia ee Lusaka, halkaas oo uu horay ugu noolaa Madaxweyne Lungu, isagoo sidoo kale soo qaatay safarro is daba joog ah oo uu dibedda u aaday dhowaan.

Isha warkan/ Aljaziira


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com