Khayre oo galabta dib ugu laabtay Dhuusamareb (Sawiro)

HomeWararka

Khayre oo galabta dib ugu laabtay Dhuusamareb (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareb ee Caasi

Ururada bulshada rayidka Soomaaliya door intee le’eg ku leeyihiin doorashada soo socota muxuuse yahay doorkoodu?
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Daahfuray Barnaamij lagu Tirakoobayo Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda
BISHAARO BISHAARO: Deeq Waxbarasho oo katimid dalka Hindiya (daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug.

Wafdiga oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Gaalkacyo oo markii hore safar dhulka ah uu ku tegay ayaa Maanta diyaarad kasoo raacay Gaalkacyo, iyaga oo ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.

Garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiir dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada federal,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Reer Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku usagn yahay Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isaga oo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho lo dhan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: