Ururada bulshada rayidka Soomaaliya door intee le’eg ku leeyihiin doorashada soo socota muxuuse yahay doorkoodu?

Ururada bulshada rayidka Soomaaliya door intee le’eg ku leeyihiin doorashada soo socota muxuuse yahay doorkoodu?

Heshiis siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, una dhaxeeyey madaxda dawladda federaalka, kuwa dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si durugsan uga warramay dhabaha loo marayo doorashada soo aaddan ee dawladda federaalka, iskuguna jirta midda baarlamaannada labada aqal iyo midda madaxtooyada.

Qodob ka mid heshiiskaasi waxaa door siinayey ururada bulshada rayidka ah nee Soomaaliya siiba marka ay timaaddo ergada codka bixinaysa, kuwaasi oo ay kala shaqaynayaan odayaasha dhaqanka.

Caasho Geelle Diiriye oo ka tirsan ururada bulshada rayidka, ayaa wareysi gaar ah oo ay siiyey warbaahinta Daljir uga hadashay kaalinta ururadooda bulsho ay ku leeyihiin doorashada iyo heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada sida ay u arkaan.

Wareysigaasi oo dhammaystiran waxaad ku maqli doonataan Barnaamijyadeenna dambe, ama ka daalaco dagallada internet ee Daljir sida facebook, YouTube, iyo webka Daljir.com

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com