Dowladda oo beenisay iyo kenya & Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda

Dowladda oo beenisay iyo kenya  & Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda

Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Kenya iyo Dowlada Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ku tilmaamay been abuur warbixin lagu daabacay Wargeysa The Star ee ka soo baxaya Kenya, oo lagu sheegay in Kenya ay la qeybsanayso Badda Soomaaliya.

“Warbaahinta ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska 50/50 waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan ka sugeynaa xukun cadaalad ah ICJ oo ku saabsan muranka baddeena”ayuu yiri R/wasaare ku xigeenka Dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com