Dowladda oo Al-shabaab kala wareegtay deegaano katirsan gobolka Shabellada dhaxe

HomeWararka

Dowladda oo Al-shabaab kala wareegtay deegaano katirsan gobolka Shabellada dhaxe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo lagu baacsanayo Maleeyshiyaadka nabad-diidka Al-shabab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhex

Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Maleyshiyaad hubaysan oo dad shacab ah ku laayay gobolka Mudug
Turkiga oo Sheegay Inuu Diyaar uyahay dhexdhexaadinta dhinacyada Isku Haya Itoobiya

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo lagu baacsanayo Maleeyshiyaadka nabad-diidka Al-shabab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhexe ayaa lawareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Degaannada laga eryay nabad-diidka ayaa Al-Shabaab u ahaa goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weearrada ay kusoo qaadaan degaanka Geel gub, waxaana haatan soconaya howl-gallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: