Maleyshiyaad hubaysan oo dad shacab ah ku laayay gobolka Mudug

Maleyshiyaad hubaysan oo dad shacab ah ku laayay gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka yimid deegaanka Gelinsoor, waxaana uu ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta lagu furay gaariga uu ku geeriyooday hal ruux, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadkii hubeysneyd ee gaariga rasaaseeyay ay goobta isaga baxsaday.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku raad-joogaan maleeshiyadii falkaas ka dambeysay oo ay ka baadigoobayaan deegaanada Miyiga ah oo ay u baxsadeen.

Lama oga sababta loo rasaaseeyay gaarigaas, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa falkii labaad oo noociisa ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com