Dowladda Jabuuti oo ka hadashay Wadahadada DFS iyo Maamulka Somaliland (Dawo)

HomeWararka

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay Wadahadada DFS iyo Maamulka Somaliland (Dawo)

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Guddigii Farsamo ee kala matalayay Soomaaliya iyo Somaliland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wada

Ciidanka Amniga Boosaaso oo gubay Qaad sharci darro lagu soo galiyaay Boosaaso
Dhismaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland: Ma Wasaarad Mise Qasri Madaxtooyo? (sawirro)
Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Guddigii Farsamo ee kala matalayay Soomaaliya iyo Somaliland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wada hadalka u socday ayaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday.

Dowladda Jabuuti oo shirkan martigelineysay ayaa Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yusuf uu ku guuleystay in mar kale uu isu keeno labada dhinac, kaddib markii dhinaca Somaliland Guddigii matalayay ay isaga baxeen shirka.

Qodob ka mid ah war murtiyeedka oo la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn suura gashay in la xaliyo, taasoo keentay in shirka dib ugu soo laabtaan dhinacii matalayay Somaliland.

Guddiga Somaliland ayaa diiday inay wax tanaasul ah ka sameeyaan qodobkii Guddiga Soomaaliya ka socday ku soo dareen ee ahaa Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac, waxaana markii dambe qodobkaas loo saaray guddi gaar ah.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: