Dowladda Federaalka oo ka hadashay fatahaad ka dhacay degmada Afgooye

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo ka hadashay fatahaad ka dhacay degmada Afgooye

Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay fatahaad ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoos

Soomaaliya oo la sheegay in ay halis ugu jirto Coronavirus.
Madaxweyne Farmaajo oo Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan DFS
Xulashadda Daljir | Deeqo Ladan | Daljir Boosaaso

Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay fatahaad ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wasaarada ayaa sheegtay in kumanaan qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye oo ay saameyn ku yeelatay fatahaada ayaa waxaa deegaanada ay dadka ku barakaceen ka mid ah Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole.

Fatahaadaha wabiga Shabelle uu sameynayo ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo ku nool deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe,hase yeeshee mar jiro gargaar ay dowlada federalka iyo hay’adaha gargaarkaba gaarsiiyeen deegaanada ay fatahaaduhu ka jiraan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: