Wasaaradda Cafimaadka DFS oo dhaqaale lagu wareejiyeey

HomeWararka

Wasaaradda Cafimaadka DFS oo dhaqaale lagu wareejiyeey

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku wareejiyay maanta oo Isniin a

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Duqayn ka dhacday gobalka shabeelaha hoose
40 KM oo jidka isku xira Xarfo iyo Jalam oo laami-saariddii lagu bilaabay (dhegayso/sawiro)

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku wareejiyay maanta oo Isniin ah Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, jeeg lacageed oo dhan $ 50,000 oo ah kaalmo maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa is-garab-istaagga Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka si wax looga qabto saamaynta COVID19 uu ku yeeshay dhinacyada caafimaadka, bani’aadannimada, dhaqaalaha iyo bulshada.

Munaasabadda wareejinta lacagtaasi oo lagu qabtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

16 April, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka jeeg lacag oo ay ku qornayd $ 100,000 oo ahayd deeq maaliyadeed oo ka timid urur goboleedka IGAD oo uu ku garabistaagayay Soomaaliya dagaalka ay ku xakamaynayso cudurka safmarka ah ee Koroona.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 3,119 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 1,457 ruux oo bogsatay iyo 93 ruux oo u geeriyootay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: