HomeUncategorized

Dowladda Denmark oo Horjoogsatay Qaxooti Suuriyaan ah oo ku Socday Swedan

Talaado, September 08, 2015 (Daljir) — Qaxooti Suuriyaan ah oo tiradooda lagu sheegay 300 ayaa maalinimadii Axada gaadhay magaalada Rodby.Qaxootigan ayaa doonayay inay ugudbaan dalka Sweden balse waxaa joojiyay booliska dadka Denmark.Qaxootigii ayaa isku dayay inay si wataan socdaalkooda si ay ugaadhaan dalka Sweden oo ah dal ka naxariis badan dalka Denmarka marka la eego dhanka dib udejinta qaxootiga.

DHEGEYSO-Madaxda Soomaalida oo ku shirsan magaalada Muqdsiho.
(DHAGEYSO) Warka Duhurnimo ee Radio Daljir
Dhagayso Caawa iyo Daljir Arbaco October, 19, 2016 – Wariye Axmed Sh. Maxamed (Tallman) Studio Daljir Boossaaso

Talaado, September 08, 2015 (Daljir) — Qaxooti Suuriyaan ah oo tiradooda lagu sheegay 300 ayaa maalinimadii Axada gaadhay magaalada Rodby.Qaxootigan ayaa doonayay inay ugudbaan dalka Sweden balse waxaa joojiyay booliska dadka Denmark.Qaxootigii ayaa isku dayay inay si wataan socdaalkooda si ay ugaadhaan dalka Sweden oo ah dal ka naxariis badan dalka Denmarka marka la eego dhanka dib udejinta qaxootiga.

Qaxootigu waxay ku doodeen in qaar kamid ah eheladoodu degan yihiin Sweden sidaas darteedna ay doonayaan inay ugudbaan Sweden balse arintaas waxaa diiday booliskii Denmark oo sheegay in qaxootigan Denmark laga diwaan gelinayo maadaamo ay Denmark ku soo horeeyeen.

Sweden waxay sheegtay in qaxootiga Sweden ay dalkeeda ku soo dhaweynayso deganaansho rasmi ahna siinaysa halka deganaanshaha Denmark uu yahay kumeelgaadh.

Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa kala qaybsaday qaxootiga Suuriya ee soo gaadhay dalka Germany,Denmarka waxay sheegtay in 100 qof oo kaliya ay qaadanayso.

DM

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: