Qaxooti Soomaali ah oo ku xaraysan Xerada Xagaredheer ee Kenya oo Deeq la Gaarsiiyay

Talaado, September 08, 2015 (Daljir) — Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa deeq isugu jirta bacaha guryaha la saarto, caagadaha biyaha lagu dhansado iyo marada kaneecada laga kalo gaarsiisay qoysas Soomaaliyeed oo dhawaan guryahoodii uga gubteen dab ka kacay xerada qaxootiga ee Xagardheer.

Dadka kaalmada helay oo ka badnaa 20 qoyd ayaa ugu mahad celiyay masuuliyiinta safaaradda kaalmada, ayagoo bogaadiyay jawaabta deg deg ah ee ay ka helaan safaradooda.

Dhanka kale gudoomiyaha xaafada ay ku noolyihiin qoysaskan guryahooda gubteen Axmed Sulub Faarax ayaa soo dhaweeyay deeqdan.

“Waxaan maanta halkan ku guddoonay deeq aan fileynin oo nooga timid safarada Soomaaliya ee dalka Kenya, waana uga mahad celineynaa sida ay uga damqatay dhibaatada soo gaartay dadkeeda” ayuu yiri Axmed Sulub.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com