DHEGEYSO-Madaxda Soomaalida oo ku shirsan magaalada Muqdsiho.

Muqdisho, Aug 03 2016–-Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shirweynaha qaran ee madasha wadatashiga doorashada Soomaaliya.

Shirkaani waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha barlamaanka, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamulada xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Mudada ay socdaan kulamadaani ayaa waxaa looga hadlayaa dhammaystirka doorashada Soomaaliya ee Sanadkaani iyo arrimo la xiriira.

Waxaa muuqata in Soomaaliya aysan bishaan kadhici karin doorashadii loobaahnaa, maadaama aysan jirin wax tallaabo ah oo horay looqaaday waxaana xusid mudan inuu shirkaani ka maqan yahay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xaalad caafimaad dalka kaga maqan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com