Dowladaha Soomaaliya Iyo Serbia oo ka wadahadlay iskaashiga Ganacisga Iyo Maalgashiga

HomeWararka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Serbia oo ka wadahadlay iskaashiga Ganacisga Iyo Maalgashiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khalif Cabdi Cumar, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimad

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Muqdisho: Khasaare ka dhashay Israsaaseen dhexmartay ciidamo ka kala tirsan NISA iyo Booliiska
Howlgalo dad lagu soo qabtay oo Gaalkacyo ka socda (Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khalif Cabdi Cumar, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimadda Belgrade ee dalka Serbia, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta ee dalkaasi Ms. Tatjana Matic oo ay ka wada-hadleen iskaashiga laba dal. gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Labada Wasiir, waxaa ay is-waydaarsadeen fursadaha Maal-gashi ee ka jira labada dhinac iyo siddii wax-soo-saarka Soomaaliya looggu dhoofin lahaa dalka Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dalka Serbia kaga qeyb-galay shirkii xuska sanad guurada 60-aad dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka, ayaa shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkaasi oo khusaysay iskaashiga dawladaha, dhaqaalaha, ganacsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: