Milatariga Itoobiya & Janhadda TPLF oo ku dagaalamay magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada

HomeWararka

Milatariga Itoobiya & Janhadda TPLF oo ku dagaalamay magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada

Getachew Reda, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) oo lahadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in milateriga Itoobiya i

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalinaya khilaafka guddiyada baarlamaanka
Xildhibaan Hirshabeelle oo Dhaliilay Xoosh, Wasiirka Dastuurka
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (daawo)

Getachew Reda, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) oo lahadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ka soo jeeda gobolka Amxaarada ay dhowr jiho kula dagaallamayaan ciidamada Tigreega, gaar ahaan labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta oo deris la ah Tigray.

Afhayeenka milatariga Itoobiya ayaan markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa warbixinta dhinacooda.

Milatariga iyo dowladda ayaan qiran weerarkan cusub, oo ay kooxda TPLF sheegtay inuu ku bilowday weerar xagga cirka ah toddobaadkii hore, maalmo kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay in uu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota.

“Waa dagaal socda, tirada dhaawacuna aad bay u badan tahay,” ayuu yiri Getachew oo intaas ku daray inuusan faahfaahin ka bixin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wuxuu sheegay inuu dagaalku ka dhacay meel u dhow magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada, halka dagaalkana uu dib uga bilowday gobolka Canfarta, deegaanada Haro iyo Chifra oo ku dhow xadka Amxaarada.

Dagaalkan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xasilloonida waddanka geeska Afrika oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof, isla markaana horseedidoona gaajo baahsan oo ka dhacda gobolka Tigray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: