Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo maaanta heshiis kala saxiixanaya

Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo  maaanta heshiis kala saxiixanaya

Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo ah wadamada ugu ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa lagu wadaa in maanta ay kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

waxaa jirta boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac ay isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga.

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com