Is baarooyin yaalay  Shabeelaha Dhexe oo lagu guulaystay in la qaaday

HomeWararka

Is baarooyin yaalay Shabeelaha Dhexe oo lagu guulaystay in la qaaday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 27aad oo howlo shaqo u joogta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku guuleysatay in dhamaan la qaado jid gooyooyin

Warka Caweysin Iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
RW Hamza Abdi Barre, oo maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya (Daawo)
SAHANKA DALJIR & Jidka lafagorayo ( Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 27aad oo howlo shaqo u joogta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku guuleysatay in dhamaan la qaado jid gooyooyin ay dhigan jireen maleeshiyaad hubeysan deegaanno ka tirsan gobolka.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin hal jid gooyo oo taala deegaannada gobolka.

“Maleehiyaadka jid gooyooyinka dhigan jiray deegaanno ka tirsan Gob qolka Shabeelaha Dhexe waa laga cirib tiray, hadda ciidamada qalabka sida waxa ay amar ku qabaan inay ula dagaalamaan sidii ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo kale” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.

Darawalada gaadiidka xamuulka ah ayaa mudooyinki udambeeyay ka cabanayay lacagaha baada ah oo aan ahayn canshuurta ku waajibtay ee looga qaado isbaarooyinka yaala inta udhexaysa Muqdisho iyo  Shabeelaha Dhexe.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljitr.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: