Dowlada Soomaaliya oo bedeshay Mowqifkeedii Buuraha Golan Heights

HomeWararka

Dowlada Soomaaliya oo bedeshay Mowqifkeedii Buuraha Golan Heights

War ka soo baxay Dowlada Federalka Soomaaliya laguna daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa loogaga hadlay mowqifka Dowlada Federalka e

10 Qof oo ku dhimatay dagaal Beeleed maanta ka dhacay Bangeelle oo tirsan Caabudwaaq.
Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Sida looga faa’iidaysan karo Biyaha roobka( dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

War ka soo baxay Dowlada Federalka Soomaaliya laguna daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa loogaga hadlay mowqifka Dowlada Federalka ee ku aadan lahaanshaha Buuraha Golan.

Warkan ka soo baxay Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in mowqifka dowlada ee rasmiga ah uu yahay in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah.

“Waxa aan si waafi ah u sheegaynaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.”ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.”

Ugu dambeyntii Dowlada Federalka ayaa waxa ay ugu baaqay Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

Si kasta ha ahaatee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa codeyn ay xubnaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay u qaadeen go’aanka Trump ka mid noqotay dowladihii ka aamusay cambaareyn uu goluhu ujeediyay dowlada Maraykanka.

Hase yeeshee Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Soomaaliya ayaa si deg-deg ugu amartay in dalka ay ku soo laabato wakiilkii dowlada Soomaaliya ee Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadanaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: