Taliyihii Ciidamadda gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo oo la dhawacay

Taliyihii Ciidamadda gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo oo la dhawacay

Taliyahii ciidamada gaarka ah ee suga amniga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu dhaawacay albaabka hore ee Madaxtooyada dalka.

Taliyaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale ayaa waxaa dhaawacay mid ka mid ah ciidamada uu taliyaha u yahay kaasoo ay dhex mareen muran ku saabsan arrimo dhaqaale.

Sida ay wararku sheegayaan murankan ayaa yimid kadib markii askariga dhaawacay taliyahiisa uu sheegay in lacag mushaar ah oo uu lahaa uu lunsaday taliyahiisa.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in askarigii geystey falka dhaawaca uu baxsaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada dalka.
Ciidamada ilaalada madaxweynaha iyo kuwa kale ee ku sugan Madaxtooyada ayaa ka mid ah ciidamada aan mushaarkooda qaadan bilihii la soo dhaafay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com