Dowlada Federalka oo ka digtey fatahaado cusub ee wabiga Shabelle

HomeWararka

Dowlada Federalka oo ka digtey fatahaado cusub ee wabiga Shabelle

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dawladda Federalka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan in la filan karo fatahaad baaxad leh oo

Wasiir katirsan Somaliland oo siwayn loogu soo dhoweeyey Buuhoodle (dhegayso)
Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Laftagareen?
Warka Fiidnimo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dawladda Federalka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan in la filan karo fatahaad baaxad leh oo uu todobaadka soo socda samayn karo wabiga Shabeelle, maadaama la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan dhulka sare ee Ethiopia oo wabigu ka soo bilowdo.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in haatanba xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu wabigu ku fatahay, ayna ka dhalatay saamayn nololeed.

Qoysas faro badan ayaa ka barakacay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne iyadoo xaafadaha qaarkood ay soo galeen biyo ka soo fatahay wabiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: