Qaramada Midoobay oo mar kale raadineysa dhaqaale lagula dagaalamo Covid 19

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in la uruuriyo dhaqaalo deg deg ah oo lagula dagaalamo cudurka corona virus ka dib markii lix bilood ka hor lagu dhawaaqay cudurkaasi faafa oo la xaqiijiyay inay u dhinteen ugu yaraan 900,000 oo qof

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku boorriyay dalalka inay helaan $ 15bn inta lagu guda jiro saddexda bilood ee soo socota si loogu maalgeliyo barnaamijka ay hoggaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee iskaashiga caalamiga ah ee ka hortagga tallaalka iyo daaweynta cudurkaasi.

“Ama aan wada istaagno ama aan halaagsanno,” ayuu yiri Guterres, isaga oo virus-ka ugu yeeray “halista koowaad ee amniga adduunka”.

Codsiga Qaramada Midoobay ayaa yimid iyadoo wadamada Yurub ay u dhaqaaqeen inay adkeeyaan talaabooyinka ka dhanka ah viruska kadib markii ay aad u kordheen tirada maalinlaha.

Guterres wuxuu sheegay in loo baahan yahay kharash dheeraad ah, sidaa daraadeed ,waxa uu ku boorriyay deeq-bixiyeyaasha inay si qoto dheer u galaan ururinta lacagta loo qoondeeyay la-dagaallanka coronavirus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com