Maxay kawada hadleen Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Laftagareen?

HomeWararka

Maxay kawada hadleen Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Laftagareen?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiy

Boosaaso: Beelaha Cali salabeen oo cod dheer ku tageeray doorashada dumuqraadiyada
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay Shaqsiyaadka Musuq Maasuqa sameeya (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Somaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan.

Labada Mas’uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iska xog wareysanayeen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arrimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed

Maxamed Mursal Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Somaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid wuxuuna uu bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Koofugalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasoo ka qeybgalaya kulan lagu wado inuu dhex maro Madaxweyne Farmaajo,madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: