HomeUncategorized

Doorashooyinkii Baarlamanka ee dalka Masar oo maanta oo isniin ah loo dareeray.

Qaahira, Nov, 28 - Dadweynaha dalkaasi Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeray doorashooyinka baarlamanka ee dalkaasi , waxana doorashooyinkaasi noqonayaan kuwii ugu horeeyey tan iyo markii la riday madaxweynihii hore.

Saleebaan Xaglatoosiye oo Buuhoodle lagusoo dhoweeyey (Sawiro)
Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo Puntland uga mahad-naqay gurmadkii ay u fidiyeen Qaxootiga Yaman.
Dhagayso Barnaamijka Hiigsiga Iyo Shacabka oo ah Dood Dhab-ka hadal ah.

Qaahira, Nov, 28 – Dadweynaha dalkaasi Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeray doorashooyinka baarlamanka ee dalkaasi , waxana doorashooyinkaasi noqonayaan kuwii ugu horeeyey tan iyo markii la riday madaxweynihii hore ee dalkaasi Xusni Mubaarak bishii February.

Kumanaan banaanbaxayaal ah ayaa weli cabashooyin ka sii wada fagaaraha Taxriir, waxana ay dalbanayaan in golaha militeriga ah ee dalkaasi maamula uu awooda dalka ku wareejiyo maamul rayid ah, waxana maanta ay noqneysaa maalintii 10-aad ee banaanbaxyada ka soo cusboonaaday dalkaasi Masar.

Dhinaca kale, qaar ka mid axsaabta iyo awoodaha siyaasadda ee dalkaasi ayaa ku baaqay in muddo 2 asbuuc ah dib loo dhigo doorashooyinka, islamarkaana la soo afjaro kala qaybsanaanta dalka ka jirta.

Madaxa golaha sare ee militeriga ee dalka Masar Marshal Maxamed Xuseyn Dandaawi ayaa ka digay cawaaqib-xumada ka dhalankarta , haddii aan la soo afjarin mashaqada ka taagan dalka.

? Masar waxa ay maraysaa marxalad Muhiim ah ,markaa weynu guuleysan Siyaasad ahaan ,dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan ama cawaaqib-xumada ayaa noqndoonta mid xun oo inaka hor-itaagaysa in aynu guuleysano? sidaas waxaa yiri Xuseyn Dandaawi.

Marshal Dandaawi ayaa ugu baaqay murashaxiinta madaxtinimada ee dalka Masar ee Maxamed Al-Baraadici iyo Caamir Muuse in ay tageeraan reysalwasaaraha militerigu magcaabay ee dalkaasi ee Kamaal Janzuuri.

C/rashiid Muuse Siciid
Radio Daljir Boosaaso. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: