Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo Puntland uga mahad-naqay gurmadkii ay u fidiyeen Qaxootiga Yaman.

Bossaso, Janu, 08, 2015 – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo halmar badalay jawigii goobta, kaddib markii sacab is qabsaday Gees ka gees ayaa maantay Daahfurka Garoonka Boossaaso ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo maad iyo macno badan huwanayd.
 
Siyaasi Salaad Cali Jeelle waxaa uu Puntland aad ugu ammaanay hormarka ay ka gaareen dhinacyo kale duwan, waxaana uu Puntland ku ammaanay hormarka kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. 
 
“Waxaan rabaa inaan hiigsiga wax ka iraahdo iyo mustaqbalka Soomaaliya, waxaa ii muuqata in madaxdii DF ay yiraahdeen 2016 lama coddaynayo, annigu waxaan ku fakarayay sida dalka Afghanistaan oo kale in faraha nalaka jarayo maadaama meelo amni xummo daran ay ka jirto, balse sidaasi iima muuqato oo hadda waxaa la isku hayaa 4.5 iyo deegaan, waana nasiib-darro wayn” Sidaasi waxaa yiri Siyaasi Salaad Cali Jeele.
 
Siyaasi Salaad Cali Jeele ayaa yiri “Naagtu haddii ay foolan-waydo kululayso ayaa lagu qabtaa, Arrinta Soomaaliya waxay u baahantahay in shacabku ay sidaasi u kululeeyaan”.
 
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir,
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com