Doorashada 5 kursi oo ka harsan 11ka kursi ee Gobolada Waqooyi oo ka dhacaysa maanta  Afisiyooni

HomeWararka

Doorashada 5 kursi oo ka harsan 11ka kursi ee Gobolada Waqooyi oo ka dhacaysa maanta Afisiyooni

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa malaintii labad lagu qabanayaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, iyada oo

NIN HORE BELEDXAAWO UGU DILEY WIIL FARSAMO YAQAAN AH OO ASNA MAANTA LA TOOGTEY.
Maamulka gobolka Sanaag oo digniid udiray Soomaaliland (dhegayso)
Tartan Dhaqameedka Jaamacada Bariga Africa Garowe (Dhegayso)

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa malaintii labad lagu qabanayaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, iyada oo la dhameystirayo 5ta kursi ee ka harsan 11 kursi ee Gobolada Waqooyi.

Shalay waxaa teendhada Afisiyooni lagu doortay lixda kursi ee ugu horeeyay Sanoterada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo doorashadooda qaarkood xiiso gaar ah laheyd.

Shanta kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceyso teendhada Afisiyooni ayaa waxaa ku tartamaya xubno Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo kuwo Cusub oo hadda doonaya inay kuraastaas helaan, waxaana Magacyadooda kala yihiin.

Kursiga Koowaad

Siciid Cabdi Xasan
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga labaad

1. Muno Cumar Xasan
2. Nacima Xasan Xaaji.maxamuud
3. Sucaad Xasan Maxamed

Kursiga Saddexaad

1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas

3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga Afaraad

1.Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaacil

Kursiga Shanaad

1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee dalka ayaa geba-gabo ku dhow, waxaana la filayaa in dhawaan dowlad Goboleedyada kajira dalka ay soo dhameystiraan doorashada kuraasta Aqalka Sare kuwa ay ku harsan yihiin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: